wehelka saacada ku waayee
safkayga jilaysa beentaay
nacabka sii daaya gacantee
libtayda badheedha saaftaay
ku nacay saaxiib xumaataay
ku nacay saaxiib xumaataay
2x

ku dhigay sintii hiigsigaygaay
samaan iga weecinaysaay
ku dhigay sixirkii naftaydaay
soo goobta daciifintaydaay
ku nacay saaxiib xumaataay
ku nacay saaxiib xumaataay
2x

saliyo baar qiyaanadaydaay
u samaysan lu,gooyadaydaay
ka tagay samihii dan hiiftee
sababta ciilkiyo huqdaydaay
ku nacay saaxiib xumaataay
ku nacay saaxiib xumaataay
2x

ku jaray safarkii dhibkaygee
saluug bartay caashaqeygaay
ku arkay silicaan if moodee
sahwiga igu daalinaysaay
ku nacay saaxiib xumaataay
ku nacay saaxiib xumaataay
2x

ku fahmay sirtii aayahaygaay
salalka ila raadinaysaay
ku saxay saldhigii jabkaygaay
walaalnimo suulinaysaay
ku nacay saaxiib xumaataay
ku nacay saaxiib xumaataay
2x

saliyo baar qiyaanadaydaay
u samaysan lu,gooyadaydaay
ka tagay samihii dan hiiftee
sababta ciilkiyo huqdaydaay
ku nacay saaxiib xumaataay
ku nacay saaxiib xumaataay
2x

Exit mobile version