VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Saaxiib xumaata - Lyrics

wehelka saacada ku waayee safkayga jilaysa beentaay nacabka sii daaya gacantee libtayda badheedha saaftaay ku nacay saaxiib xumaataay ku nacay saaxiib xumaataay 2x ku dhigay sintii hiigsigaygaay samaan iga weecinaysaay ku dhigay sixirkii naftaydaay soo goobta daciifintaydaay ku nacay saaxiib xumaataay ku nacay saaxiib xumaataay 2x saliyo baar qiyaanadaydaay u samaysan lu,gooyadaydaay ka tagay samihii dan hiiftee sababta ciilkiyo huqdaydaay ku nacay saaxiib xumaataay ku nacay saaxiib xumaataay 2x ku jaray safarkii dhibkaygee saluug bartay caashaqeygaay ku arkay silicaan if moodee sahwiga igu daalinaysaay ku nacay saaxiib xumaataay ku nacay saaxiib xumaataay 2x ku fahmay sirtii aayahaygaay salalka ila raadinaysaay ku saxay saldhigii jabkaygaay walaalnimo suulinaysaay ku nacay saaxiib xumaataay ku nacay saaxiib xumaataay 2x saliyo baar qiyaanadaydaay u samaysan lu,gooyadaydaay ka tagay samihii dan hiiftee sababta ciilkiyo huqdaydaay ku nacay saaxiib xumaataay ku nacay saaxiib xumaataay 2x
Queue is empty
-- / --