markaan waa markaygiiyee
ku mashquulka iga daaya
maalmahaygii weeyaanee
mute gala dhamaantiin
2x

milionkii intaan gaadhay
masrixii anaa yeeshay
minute buu aduunkoo dhan
magacaygu saameeyay
2x

anaa muuqda kaligaygoo
sidii miigaa meel duulaa
dayaxana mushaaxoo
malab weeye xaalkaygu
4x

markaan waa markaygiiyee
ka masayrka iga daaya
muranbaad ku jirtaanee
inaan maarmay ogaada
2x

nacabkii intaan moosey
kabkoodii ka macaashey
mid midbaan u ganaaxoo
maantaan ka baloogay
2x

anaa muuqda kaligaygoo
sidii miigaa meel duulaa
dayaxana mushaaxoo
malab weeye xaalkaygu
4x

Exit mobile version