raasamaalka dunidaay
rays iyo dhul baadlaay
ricidhahaa wadnaha iyo
rubada iyo beerkaay
rugta buurta daaliyo
taleex rob ku hooraay
reexaan udgoonoo
lagu reeyay baad tahoo
rafiiqayga noloshaay
raxmad eebe bixiyaay
nafta waan ku raacshaay
hoo gudoon raaaqiya
hoo gudoon raaqiya
raaliya haween iyo
raas lagu nagaadaay
nafta raaxadeedaay
aasaaska reerkaay
laamaha rumaankee
risiq laygu darayeey
raxmad iyo barwaaqooy
rafiiqeyga noloshaay
raxmad eebe bixiyaay
nafta waan ku raacshee
hoo gudoon raaqiya
hoo gudoon raaqiya