VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Taariikhda -Garab - Lyrics

Taariikhda gaanka ah Gadaal looma raacee Abwaankii gabyaa yiri Weligayd intaan tagay Kama furin gareexo Maad iyo guud kama dhicin Aniga gadiisii inaan ahay Garkii aan la sugi jiray Gaban aan anigu dhalay Gunta seefka mariyoo Gaari waaye halkaan rabay Waa talo guracantoo Maskaxdayda gali karin Waxaa gaarka kahayee Waa talo guracantoo Maskaxdayda gali karin Maxaa gooni kaa dhigin Gadob ma adigaa galin Nina gabankii dhalay Gacantiisa kuma dilaa Ma markaad gaajootaa Garaba maalin hubataa Geeraaradaydiyo Waxaan hadal ku gaabsaday Gacantayda inaad kamaqantahay Goobtaan istaagaba Hadal igu guracan baa Dhahayga galayeee Inta gabay taqaaniyo Abwaanada ha gaadhee Ubadka yaa ugeesaa Gunta weel ka jaban Ruux ku waraaabi geel iri Garbahaa ka daaleee Soo aniga gadiisa weli guban Haraadkii Waa talo guracan oon maskaxdayda galin Badanaa guraysee Waxaa gaarka ka hayee Ilmaha iga gurayaa dadka kale magaaree Maxaa gooni kaa dhigin Gadob ma adigaa galin Nina gabankii dhalay Gacantiisa kuma dilaa Ma markaad gaajootaa Garaba maalin hubataa Geeraaradaydiyo Waxaan hadal ku gaabsaday Gacantayda inaad kamaqantahay Weligayga kuma arag Galin hore naag rimi Galabtii dhicisee Cunto erayadeedoo Heesuna aniga ii dhaaf Ninkaa doonto guurso Waxaa goostay kaligay Gablo yaad ku dhiman Gaaroo is dabaqabo Ilayn waad gaboobdee Ruux gacan ku dhiiglaa Guri kula xaroon kara Waa talo guracantoo Maskaxdayda gali karin Waxaa gaarka kahayee Waa talo guracantoo Maskaxdayda gali karin Maxaa gooni kaa dhigin Gadob ma adigaa galin Nina gabankii dhalay Gacantiisa kuma dilaa Ma markaad gaajootaa Garaba maalin hubataa Geeraaradaydiyo Waxaan hadal ku gaabsaday Gacantayda inaad kamaqantahay
Queue is empty
-- / --