Heesta Boodheri - Lyrics
indho bururay
labadooda baal
bilig ma daayaane
aroos lagu badhaadhiyo
waxaan sugay bushaaree
bilic xumada
allahayoow maxay baday
ninkan baasna maxay baray
baroortaada iilkaan
basraay jiifi waayee
maxaa kaa baxsadayood
adna baafinaysaa
nin kaloon is baraniyo
uma baahni sheekee
bidhaantaada ma arkee
barbaaryahaw kumaa tahay
boodharigii aad maqashee
beer laxawsigii hodaneey
naftu uga baxdaan ahee
maxaad baafinaysaa
beerkaygibaa lumayee
oon baafinaaye ma aragtay
adiguse boodhari hada tahay
hodan baahideediyo
maka bogsatay caashaqiiyee
inkaston badqaba oon
hablo baariyaaloo
boqorku nimceeyoo
bilicdooda quruxdana
biyo dahab la moodoo
baashaalinaayoo
boga iyo laabtiyo
aan beerka kaga jiro
hodan baahideedii
wali kama bogsooninoo
ma baaba,o jacaylkuye
hablaheenu baareey
bilow aadnimadiyo
bariidada macaaniyo
ma barteen jacaylkii
barigii horeetaba
badawnimaa na haysee
boholyowga caashaqa
anagoo basteenaan
afka kala baqaynee
miyaa nalooga badin jiray
ninba boogta ku taalaa
isagay balbalshaa
bixisada jacaylkana
taan baranin yeelkeed
boqolkiiba boqol jeer
aniga way igu badan yahay
kaa beensan maayee
inan yahay adna
boogtan kugu taal
awliyadaan u barinoo
allaa kaa bogsiiyee
bilad sharaftan qaadoo
bushimaha qaniinoo
ha biqine adkayso
baasiin la shiday iyo
dabaa igu baxaayoo
baroorta iga keenee
bisinkoon qabsadiyo
baryadii illaahay kama tagin
barashadii kaa khasaartiyo
jacayl baylah kaa helay
ba,anaa allahayoow
naxdin beerka goysiyo
jacayl baylah kaa helay
ba,anaa allahayoow
Lyrics by Ismacil Ahmed