xuural cayntii aduunkaay
xidigti haweenkaay
xaawalayda oo idil
taan kasoo xushaay
kol hadaad xilahaygiyo
xaaskaygii noqotay
guri xalaala joognoo
xil waynbaa na saarane
xigtadiyo qaraabada
xagaygiyo xagaagaba
waa inaan xurmeynaa
is xaqdhawrka labadeena
hadaad xabiibi igu tidhaa
ana xayaati kugu idhaa
xamdiyeey xagayga
qalbigu wuu xasilayaa
xaaduna i istaagtaa

qurux loo xantoobshaay
xaragada u dhalataay
xubno dabacsanleeyeey
tii xiskaygu deeqay
xaqiiqadii jcaylkaay
xanaanadii naftaydaay
xumaan kuuma quure
hadii xurguftimaadaba
ama kala xanaaqnaba
aan xalino dhexdoono
is xaqdhawrka labadeena
hadaad xabiibi igu tidhaa
ana xayaati kugu idhaa
xamdiyeey xagayga
qalbigu wuu xasilayaa
xaaduna i istaagtaa

Exit mobile version