VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Isxurmaynta - Lyrics

xuural cayntii aduunkaay xidigti haweenkaay xaawalayda oo idil taan kasoo xushaay kol hadaad xilahaygiyo xaaskaygii noqotay guri xalaala joognoo xil waynbaa na saarane xigtadiyo qaraabada xagaygiyo xagaagaba waa inaan xurmeynaa is xaqdhawrka labadeena hadaad xabiibi igu tidhaa ana xayaati kugu idhaa xamdiyeey xagayga qalbigu wuu xasilayaa xaaduna i istaagtaa qurux loo xantoobshaay xaragada u dhalataay xubno dabacsanleeyeey tii xiskaygu deeqay xaqiiqadii jcaylkaay xanaanadii naftaydaay xumaan kuuma quure hadii xurguftimaadaba ama kala xanaaqnaba aan xalino dhexdoono is xaqdhawrka labadeena hadaad xabiibi igu tidhaa ana xayaati kugu idhaa xamdiyeey xagayga qalbigu wuu xasilayaa xaaduna i istaagtaa
Queue is empty
-- / --