Faadumooy gayaan dumar adaa igu filnaadoo
Markii aan kufiirshaba jacayl igu fogaadiyoo halbowlaha ku faafiyo farxad baan dareemaa 2xx
Taan faceed ka doortee fudayd aan lahaynee garashada fayowdee fikirkeedu saxan yahay aan ku faano baa tahay 2xx

Feejignaanta dumarkana waxaad tahay filkeed dhaaf asal farax gobeed lahoo qalbigayga furatayoo gaariyahay filkaa dumar alla dumar adaa igu filnaadee 2xx

Wargaysyada wax faaqida falanqeeya caashaqa
Warkii fiidkii baxaybaa faalladiisii lagu daray inaan kaa fekarayoo faadumooy ku jecelahay 2xx

Labadii isfahantaa ku farxaaya guurkee aannu fulinno caawee faadumooy faraantiga fartaa bidix aan kuu suro 2xx

Feejignaanta dumarkana waxaad tahay filkeed dhaaf asal farac gobeedloo qalbigayga furatayoo gaariyahay filkaa dumar alla dumar adaa igu filnaadee 2xx

Exit mobile version