VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adkee axdiga iyo jacaylka - Lyrics

Sagal codka :
Yaasiin araktidaada
Aboowe jacayl abuurtay
Ahaw odaygii naftayda
ilmaan dhalay abahooda
Ku aaminay noo arimay

Haddii aan aqal galo
Aktaadaba soo fadhiyo
Ahaatay sidaan rabnoo
Alla mahaddaan iska leh

Ubaxa caashaqa gudoon
Midkaan ku ildoogsadoo
Adkeey axdiga iyo jacaylkoo
Eeda iyo dhagxumida ka dhow

Ahmed rasta:
Anisooy adigaa aduunka
Intii innan joogtay gabigooda
Indhuhu kugu farxaanoo
ogoli inaan kula aroos galo
Ul iyo diirkayda ahoonoo

Adigaa oorideeda ahow
Aynigaada kala baxay ilwaadee
Aan ciidnee Aayar dheel
Farxadaa la ilmeeyay awgeed

Ubaxa caashaqa gudoon
Middaan ku ildoogsadoo
Adkeey axdiga iyo jacaylkoo
Eeda iyo dhagxumida ka dhow


Queue is empty
-- / --