riyada laylkii kastaba
intaa baarimayaa
qalbigu tii urabaan
anigu raad raadaya

rajada reer yeelo ban
intaa iska raaridaa
rafaad inigoo qabaan
galgacayl raad raacaynayaa

rubiyo raas dooglaban
intaan raarka u dhigaa
ku raaxaystaa runtii
ragaad ku diyaariyaa
raaliyo tii ii ahayd
anigu raadkeedu waa

riyada laylkii kastaba
intaa waan rooraya
rafiiq aan jooginbaa
anigu u ruclaynayaa

rakada ay saarantaan
intaa reedyu raraa
ridada anigoo ogbaan
bilaash ku riyaaqayaa

rubiyo raas dooglabaan
intaa raarka u dhigaa

Exit mobile version