Heesta Tiiraanyo - Lyrics
Taariikhda Dunidaa
ayadoo isdaba taal
Nin-ba meel ku tuurte
Aniguna Tusmeestoo
Qayrkee halkoo tagay
Utabaabusheestee
I taageer Allahayow
arrintaydan kala taal
adaa toosin karayee.
Tabaallada adduunkee
ninkastada? u taalaa
anigay i tuluqdoo
tagoogaha i jabisoo
ka tallaabsan waayoo
waa anigan tasoobee
I taageer Allahayow
arrintaydan kala taal
adaa toosin karayee.
Turuqiyo Lixaad iyo
Tamaray xoogee
Jacayl iga tan roon baa
igu tiirshay Geedoow
Xarig igu xidh xidhayoo
Waan tiicayaayee
I taageer Allahayow
arrintaydan kala taal
adaa toosin karayee.