Hogob caleenliyo
adoo har jiifee
dhaxan ku halasame
Habeenka maalin
socodka leh hirig
cadaadis bayga reebta
Nafteeyda hiishooy
alla furah haleelo
hubsooy wanaagii
wakaad haleeyso
kula habooneen
laba hilaaciyo hogol
lahaydo hug bad igaliso
Nafteeyda hiishooy
alla furah haleelo
hubsooy wanaagii
wakaad haleeyso
kula habooneen
danbaa i hareer wadoo
ninba hoogan iyo hangolkiisa
adoo hidiidiqay hadad
hadaad i hoday
hiil iyo hoo baan
kuu hanweeyno
go’aanka weynaheey
ha ii rumeeyo
Nafteeyda hiishooy
alla furah haleelo
hubsooy wanaagii
wakaad haleeyso
kula habooneen
Halkaad mareeysiyo
hoogtoy hagaag ahoow
Nafteeyda hiishooy
alla furah haleelo
hubsooy wanaagii
wakaad haleeyso
kula habooneen
hagaag ahoow hoogtooy