Waan ku dheeh-
Dayoo aan kula
Dhacoo dhuuxad
Gashee x2

Sida dhabiga iyo
Dhir hareeriyaan
Kuu dhuganayaa
X2

Habeen iyo dharaar
Halkii la idhuftaaan
Dhool dhooliyaaa
X2

Igu soo dhawoow
Iidhiib gacmahaa
Dhigaa baan ahoo
Kuu dhimanayee
X2

Waad idhaaftayoo
Maalintii dhawayd
Kuuma dhimin wax
Bee x2

Waad dhaaadan
Tahee adoon dhaa-
Wac qabin x2

Haday kaadhab
Tahay kolkii lagu
Dhuftiyo iidhamee
Warkoo x2

Kaama dheeriyoo
Waan kugudhawee
Dhankeen kaamaraa
Miyaan kugu dhagaa
X2

Waad igu dhantoo
Igu dheraran tahoo
Idhalaalisee x2

Igu dheer tahood
Dhabarkiyo lafaha
Bohol iga dhigtee
X2

Dhankaad eegta iyo
Dhinacii kastaba
Waa jacayl dhabee
X2

Igu soo dhawoow
Iidhiib gacmahaa
Dhigaa baan ahoo
Kuu dhimanayee
X2

Waad is dherartayo
Hadal dhaabadaad
Dhakhso ii tidhee
X2

Maad dhuumanine
Wuukaa dhanyee
Idhagayso oo x2

Anoon dhaga adkaan
Dhaqankiyo hidaha
Aan kula dhisee x2

Kaama dheeriyoo
Waan kugudhawee
Dhankeen kaamaraa
Miyaan kugu dhagaa
X2

Waala idhuftoo dh-
Eelalow sanoon
Kugu dhololayaa
X2

Dhibtii caashaqaa
Dhafoorada hilbihii
Ka dhamaysayoo
X2

Dad koo dhaxan
Qaboo dhedo qoy-
Say baan kuu dhidi
Dayaa x2

Igu soo dhawoow
Iidhiib gacmahaa
Dhigaa baan ahoo
Kuu dhimanayee
X2

Waad idhaaf san
Tahoo dhan kalaad
Malaha dhaanka u
Rartee x2

Dhuyiciyo galool
Iyo sida dharkayn
Uma dhoohaniyee
X2

Yay dheeliyine dhin-
Acaaga qabo maal
Mana idhowr x2

Kaama dheeriyoo
Waan kugudhawee
Dhankeen kaamaraa
Miyaan kugu dhagaa
X2

Exit mobile version