Cirkoo sagal lihii iyoo
Sida oogta waabaraay
Ama roob onkaday iyoo
Deegaanka oogadaay
Wax indhaha urooniyo
Qalbiga adi ku yaallaay

Inanyahay waxaad tahay
Aqli miduu ku idil yahoo
Edebtiyo anshaxa dumar
Ayaan kugu jeclaadoo
Inkastoon aadami ahay
Ku illaawi maayee
Hadda adiga weeeyoo
Adiga weeyaan aamina cali

Aqooniyo nasiibaa
Dadku ka intifaacaa
Jacaylkana is aamin baad
Istareex dareentaa
Amaanada mid dhowrta oo
Ii abshira ayaad tahay

Adigaa ah raalliyo
Allaheed taqaannoo
Asluubtiyo wanaaggaba
Eebbaa kugu mannaystoo
Run unool ayaad tahay
Iimaanku buuxoo
Hadda waa adiga heedhe
Adiga weeyaan aamina cali

Exit mobile version