VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhiinka old ver - Lyrics

Ilkaheeda dhuxushaa
indhaheedan dheyda
dhabankee curubtaa
suniyaha bil dhallatiyo
sida qaanso lugu dhigay

Timaheedan dhuxusha
badhkood dhaafay dhabarka
markeey soo dhaceeniyo
leydhu eey ku dheeshiyo
midibkeeda dhiinka

Ma waagoo dhallaalay baa
ma dhibic seer ma weydaa
ma dhallaan la jecelyahaa
ma xalay ubax dhashoo
dhagaha fidiyoo
ka dharqaday xareedoo
la dhacaaya qosol baa

Sida dhoolka guga oo
dhodhuriyo keeymaha
dhowr bari ku hooroo
dhirti wada magooshoo
sacii wada dhalaalay

Rahu fiid dhawaaqoo
roob la dhacoo dhex maaxoo
baalalaydu hadba dhinac
isku kala dhigeysaa
qalbiga uga dhigantee

Ma waagoo dhallaalay baa
ma dhibic seer ma weydaa
ma dhallaan la jecelyahaa
ma xalay ubax dhashoo
dhagaha fidiyoo
ka dharqaday xareedoo
la dhacaaya qosol baa

Waa dhameys haweenoo
dhexyarideeda madagtaa
luqunteeda dhabiga
dhayihii jaleecaa
dhibaatada halmaamee
may dhiman suleekhoo
dhulkeenay ku nooshee
mida dhaxashay quruxdee
nabi Yusuf (CS) dhalayee
hanaan loo dhameeyaay

Ma waagoo dhallaalay baa
ma dhibic seer ma weydaa
ma dhallaan la jecelyahaa
ma xalay ubax dhashoo
dhagaha fidiyoo
ka dharqaday xareedoo
la dhacaaya qosol baa

Queue is empty
-- / --