allaheena qani iyo qaadirkii na uumaa
qaybiyay wanaagoo qofba siiyay qayboo
badh intuu ka qadiyo dhanbal qaar u daraye
nimco qaaya luuleey adi kuu quwaynoo
qarbtii uroonayd qoortaada sudhayo
xurmo wad u qalantaa

xididada qarsoonbaa dhirta biyo u qaadoo
adna ciriq qarsoonbaa kugu soo qulqulayoo
sharafta iyo qiimaha quman hooyadaabaa
qayb kala wadaagtaan

is qaad qaadka badan iyo qabka waad ka dheertahay
sida dumarka qaarkood qaxar iyo dhibaatiyo
qaylana umaad dhalan markaad sharaf qoslaysaa
naxariis i qaadaa naftu kuu qushuucdaa
qalbiga laabtiyo sadrigaad ku qorantahay

Exit mobile version