gedgodoonka xalay miya
gama a la idiiday
gu ii aan ku jiifiyo miyaan
hiifay gogoshayda
gurxantiyo taahi miyaan
gebi lasoo toosay

gooyahayga maanso tubtiyo
gacal wixii joogey
maguntaye sirtaydii
halkay gocatay laabtaydu
jacaylka iga guuriyo
cishqiga ila godkiisiye

falaadhuhu i galiyiyo
waranka geesta iga haysta
iga goo gamuunka igu yaal
garasho waa aade

gudano ladanqaryo haa
gacanta la taabsiiyay
la garwaaqsay caashaqan
way gubay naftaydiiye
gargaarban adiga kaa
gacan waalaaleeede

intaan guudka kugu sido
ay garasho joogtaye
gaarban adiga kuu jeclahay
ha gufayniin xiisaha
gubaya uurkayga

Exit mobile version