hodmane waa eebaheeye
hantaa ifka laysku dhaafee
ma heesto hingaan ahaayo
aduun waa hoos wareegee
habaar sow ishaydu ma qabtoo
iyadu iimay horseedeee
halhindu sow afkayga maahoo
intaa ku hadaaqi maayoo
ileen hobi kuma bogsiiso
hamigu war war kaama biiyo
calaacal wax kuuma keeno
aduun hooli kama dhamaatee

markaan halacsadey haq idhiyoo
haleeshay halistii wadnaha oo
halkay qoontaan hayaayoo
hoosheedii la heedo dhamaadee
habaar sow isheyda ma qabtoo
iyadu iima horseedeee
halhindu sow afkayga maahoo
intaa ku hadaaqi maayooo
ileen hodi kuma bogsiisoo
hamigu war war kaama biibiyo
calaacal wax kuuma keeno
aduun hooli kama dhamaatee

Exit mobile version