maankiyo lagii
laabtiyo qalbiga
ladh ku beeranbaa
i looyaamayee
lurka xiisaha
markaan liiqaybu
igu loohanoo
i ladaabayee
waygu laasimee
lubiyo shafkuu
ku likaysanyee
waan ku loogayo
adaan kuu lisee
ama libinta garo
ama laydha raac

leegleegsigiyo
laafyaha xarago
aad leedahaa
i laciifayee
labeentii kalgacal
ana leefayoo
ladi waa qofkuu
maalin loodshayoo
waa igu laasimoo
lubiyo shafkuu
ku likaysanyee
waan ku loogayo
adaan kuu lisee
ama libinta garo
ama laydha raac

Exit mobile version