marwooy milicsigaagii markii aan
ku dheehdaad maankayga qaadoo
maba nuuxsan karayee
sida maalin ciideed madal la isusoo
baxay oo mudaniyo marwaba
dadku wada mabsuudyaad
macaan iiga dhigantee

muxibiyo kalgacalkaan mudo dheer
dhisayna marna inaan ilaawa
ma ahaan karaysee midigtaada
ii dhiib aan wada mushaaxne

mahiigaanka roobkoo maasheeyay
dunidoo dhirtu wada magooshoo
mulacyeey daadkii
sida daalo iyo maydh muriyo manki
baxay ooy maanshe naftiyo laabtu
ay u muhataa macaan iiga dhigantee

Exit mobile version