Basraay basraay bishaan ku bartee
bilowney jaceylkii aan beeree
Ku balaadhey naftoo boqnaha i jaryoo
adey badayee
Bal bariida uun isoo booqoo
naa adaa i badee hay baal marinee
Beerkiyo wadnaha bir baad ku jartoo
adaa burburshoo bestey weeyee
Bidhaantaada ruux indhaha u buko
nafta bogsatee
Bal bariida uun isoo booqoo
naa adaa i badee hay baal marinee
Basraay nabsigani waa geed
baasee baaneeye ha moodin
inuu been yahay
Boholyowga dartaa banaan u baxoo
bahala la hadlee
Bal bariida uun isoo booqoo
naa adaa i badee
hay baal marinee
Lyrics by faysal kiyaaz