goortaan ciraystee
guudkaygii cadaaday
cimragaygii gaboobuu
ayuu caashaq i helay

curashadaa jacaykuna
caynkiisu badanaaye
cinwaankiiisu fududaayee
casharkiisu adagaa

dookhu tuu calmadoo
cajibaysay naftaydaay
cawo iyo ayaaneey
hadmaad ii calool dabciyo
codsigayga ila garan

cilmi kii haleeloo
caalin baadiyaayaa
cantar iilka dhigaybaa
casar igu dhacee

sida cirkiyo dayaxa
caadkiyo xidigaha
cayniyeey ma darisnaa
calaf waa halkiisee

Exit mobile version