Onko iyo Hillaac Ufo iyo Dabayl Roob Da’ay Aroor Haro Idhan Kajoogaan Arkayaa Xareed Aan u Oomanahee Arrin Lama fiaalniyo Udgooney Ayaan Darro se Waxay Tahay Geed Odaxle baad Ubaxyohow Kutaal Anna Eegmadaadii Iyo Aragtidaadii Jacayl Ma i Abbaaroo Uurkiyo Wadnaha Olol Ma Iga Baxay ! Umal iyo Dhibiyo Urugaan Qabaa Iyo Uur Nugayl Eebadii Kalgacalkaa Wadnaha i Abbaartoo Iga Oohisee Arrin Lamafilaaniyo Udgooney Ayaan Darro se Waxay Tahay Geed Odaxle Baad Ubax Yohow Kutaal Anna Eegmadaadii Iyo Aragtidaadii Jacayl Ma i Abbaaroo Uurkiyo Wadnaha Olol Ma iga Baxay ! Lyrics by : Abdirahman Ahmed
Exit mobile version