Jaceyl ma halmaami karo
Aabahaa ma hagaajin karo
Aduun aanan heli kareyn
Ayuu ku hawoonayaa

Hadii hadii hadii arin igu habsady
Xageen talo kaga haagaagaa

Hadal waalid ma diidi karo
Habaar adag buu dhalaa
Haaydaarta ma yeeli karo
Jacaylkuna waa i hayaa

Hadii hadii hadii arin igu habsady
Xageen talo kaga hagaagaa

Hayraarta jacaylka iyo
Hadaan hawl daris la nahay
Asaynaan heli kareyn
Wexeey ku hagaagi lahaheyd

Hadii hadii hadii arin igu habsaday
Xageen talo kaga hagaagaa

Hamadan beenaa i tidhi
Aabuhu waxba ma hagradee
Hadii xaalkii habsaday
Maxeey hibashadu tartaa

Hadii hadii hadii arin igu habsaday
Ilaah baa hagaajin doonee

Exit mobile version