qof waliba halkay
qoontiisu tahay
ku qotomi daren
runta lama qarshee
waa waxa kuu qalmee
aniguna qisadan
aan qeexo hadalkee
shugri qaaliyeey
qiimaha dadnimo
qaybta ugu mudan
midii qaadataay
quruxdii qalbigu
ku qaboobayaay
qoyskaan dhisiyo
qormadaan dagee
u qushuucayaay
quman raaliyaa tahay
marwo qayr qabtaa tahay
iguma qaylisaa tahee
hadii qaladba aan galo
ii xil qariyahaygaay
maradayda qaareey
qudha hadii la bixin laa
taan u quudhi laayay
qayb wadaag rumaadey
naf ku qaabishaa
kuu qushuucdayoo
wanaag kuu qirto
qaraabiyo xigtiyo
ehelkuna qadarin
kuu hayaan xaq dhawr

Exit mobile version