Kalgacalkaa baanan jiray
Oo baydiyoo bacay kaan u xidhay
Aroortaa baxbaan ku idhi
Banbuu sii dhex maray qarbaa
Haraadbuu bastii ahaa
Badaa ka cabaa la yidhi
Oon bixi karaayee
2x

Bil ciideed dhalashadeed
Baraarka la sadqeynaayo
Bil qeybteeda kuma farxaan
Miyay ahaa ahaa
Baryo samo u tahay
2x

Bisinka waagii la maray
Bureeqo na qaad la yidhi
Bulkii loo galay cabsida
Jacaylkii ma laga baxsadey
2x

Bulkaasaa kaligii i yidhi
Naftaydaa anaa boqree
Maxaa isla buuxisaa
Heedhe bilastaa
Ma adaa wax dee
2x

Dadbaa buunbuuniye
Dadbaa dadbaa buunbuuniye
Balaayo ma dhicin doraad
Balaayo ma dhicin doraad
Barinaa saadaashu wacanee
2x

Inaan biyo maydhi karayn
Inaan birna lagu jarayn
Inaan biyo maydhi karayn
Inaan birna lagu jarayn
Inaan baano lagu daweyn
Bariyo maantaba ku yahayee
Biican biican loo bartee
Bilaaladiin baanu nidhi
Bilaaladiin baanu nidhi
2x

Exit mobile version