aynigiyo filkeed kaa ilwaadsaneey
ugubkiyo hablaha u iftiinsaneey
bu'da iyo indhaha u aragsaneey

asluubtiyo samaha u astaansaneey
dumarkaan arkayee ka edaabsaneey
erayada kalgacal ku odhaahsaneey

uurkiyo qalbiga ku abuuraneey
ililaha wadnaha ku urursaneey
unugyada jidhka kuu oomanee

ubaxiyo miskiga ka udgoonsaneey
ildheeriyo garad ku amaansaneey
quruxiyo akhlaaqba ku idlaatayee

taan aragtideeda ku ashqaraarayeey
ildoogsiga dhaayahaa ku istareexayee
aqligiyo maakaad abaartayee

Exit mobile version