Yaasmiineey adaa dumar duni ugu sitee
Dabcigiyo asluubtana
Dagan hooyadaa wacan
Dariiqeeda raacoo
Darajeeyay dhaqankee

Adigaa da'daadana
NABI YUSUF dabadi
Qurux aan la dadi karin
RABI kuugu deeqoo
Kaa dhigay horyaal dumar

Halka dookha noloshiyo
Naftaan diidi karinee
Dusha ciida boorame
Jabuuti daafaheediyo
Dalxiis yaa ku geeyoo
Damaashaad iyo aroos
Kuugu tuma durmaanoo
Waa dadab galkaagee

Yaasmiineey adaa dumar
Duni ugu sitee
Dagani iyo akhlaaq badan
Geesigii ku dhalaybaa
Kuugu soo duceeyoo
Dusha kaaga shubay ubax

Adigaa nin doora helay
Dahabiyo xariiriyo
Kuu dooray farxadaaye DAA'IM kuu xuloo
Waxaad tahay horyaal

Exit mobile version