halka gurud wixii dhacay
xog ka baro waayaha
xaajada timaadna
xujo yaanay kugu noqon

xigmad nolosha deeqsi
iyo xeer wax lagu hago
naftu yay xaqiiqada
iyo xoogin garashada

xiska furo qalbiga xidho
xakamee dareenada
kala xulo go'aanada
xasuusaha jaceylkiyo
ka xorow wixii tagey

iskudaray dartii iyo
xilku gubay ku guda ahow
xaslashada dantaadana
dadku yaanay kugu xaman

xoogiyo midkad xeel
xaragada bidaysaba
naftu yay xaraaminin
ku xasili rajada wacan

xiska furo qalbiga xidho
xakamee dareenada
kala xulo go'aanada
xasuusaha jaceylkiyo
ka xorow wixii tagey

Exit mobile version