Adiga iyo da’daadiyo
Hablaha dunida joogaba
Indhahu doobaado
Dusha ay ka eegtaan

Qalbigu farax dareemaa
Jirkana daal ka  harayaa
?

Xubnahu dabacsan leeyahay
Adigaa dagmooy
Aan ku doonayaayoo
Kaa dayaa agtaydee

Soo durug macaanee
Naftaan daadahee
u ildaran daraadaaa

cirka oo da’ay habeenimo
Xareed daadsan doonyaha
Dayax shan iyo  tobaniyo
Daruurahii ka muuqda

Aragtida dareenka leh
Adigaa dhul iyo hoos
Dhubaaqayga ugu dhigan

Dhiric geesiyaa tahay
Deeq iyo xishood
Garasho iyo dulqaad lahoo
Ragga doorki baa tahay

Soo durug macaanoo
Kaan ku diirsadaa tahoo
Ku darsanaayay dhiigee

Exit mobile version