bildhaan quruxeey
bilicda nuuraay
biyaha dahabkeen
lahayn badhaxeey

edaab badaneey
astaan bilaneey
iftiinka baxaay
bilaan dhicineey

adaan ku boqree
ladaneey ii baano
jacaylkaan beernay
baxnaani maanta
ka dhawr basaastoo
bogaaga seexi

jacaylka bilaay
bogsiiya naftaay
dareen badoo
ku beeran jidhkaay

bu'daa wadnahaay
bartaa qalbigaay
bishaaro dhabaay
dhashii boqorkaay

Exit mobile version