waa xaruuriyad la xaqdhaweriyo
laabta xuunshada oo xabiib adag

waa gob xaafoo xeebta lagu habay oo xishood badan
dhashii xaramkiyo waa xadaariyad xidigtii bari xulkii baargaal

gaari xilasho leh maan xasilisaay oo xaliimooy xiiso galisaa
xaqiiq waa tahee ifka xero nagi iigu maal xoor
XAAKIMkuna naar kaa xoreeyoo xisaab li'i noqo

waa xariir iyo xuural cayn dumar
waa dhir xaysliyo cirkoo ubaxyo le

xanta may baran xiqdi kuma jiro xinka kuma korin
mid xumeeyay xaal marsiisaa xaasidnimadana way ka xalantay

Exit mobile version