VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xariir dumar - Lyrics

Dumar xulashadoodaay Xurmo badan haweyney Xariir loo hiloobaay Daruur xeysa hoortaay Xareedo ka beysaay Xalwad iyo sabiibey inta loo Xubeeriyo xidigtii zuhuuray Badra xuural ceyn khalid Xilahow doortaay Xiliyada habeenkii Xamdi naqa dadka u kaco Ayaan kuugu xamdiyayaa Ubad qeer leh kala hela Aamiinta wada mara Dumar xilashadoodaay Xalaal diin ku dhalataay Qof xumaan ka dheeroo Wanaag lagu xasuustaay Xag kastaba asturaney Xafidaay ilaalshaay Xaqa kama fogaaday Xikmad ruux lasiiyaay Xigto gaarasha dheeriyo Asalkii xaq dhowrkaay Xiliyada habeenkii Xamdi naqa dadka u koco Ayaan kuugu xamdiyayaa Ubad qeer leh kala hela Aamiinta wada mara. Lyrics by : Abdi deeq
Queue is empty
-- / --