VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhado - Lyrics

Dhado roob noqon wayday Dhulka doojini wayday Dheeman maaha naxaastuye Dhirtii oon tiri wayday Meel fog dhool ka hilaacay Dhaanka looma raraysto Waxaan dhaayaha deeqin Dhiilka looma hogaysto Dhalan waano ma maydho Halka dhaawucu gaadhay Hadii aad dhayi waydo Dhibtu kaama yaraato Dirge dirge dirge hoobalowa Dirge hoobolooea dhaayahaygaay Jacayl dhuuxa ku taabtay Ku dheeraday naftaada Dhayal kaagama guuro Dhacdadii aduunka Hadii aad dhugan waydo Wixii aad dhacashaaba Dhabano hays weeyaane Ha dhakoolin naftaydaay Dhalanteed run ha moodin Af dhabaandhabna waa been Waxba ha u dhag taagin Dhawankaaga ha liidin
Queue is empty
-- / --